U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Caasimadda Galmudug Ee Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Wararka maanta aan ka helayno degmada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaare kala duwan.

Qaraxan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan baar lagu magacaabo Bageynle halkaas oo ah goob lagu iibiyo qaadka, waxaana qaraxaasi uu ahaa miino dhulka ku aasnayd sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa Goobjoog News waxa ay u xaqiijiyeen in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa iyo seddex qof oo shacab ah, waxaana la tilmaamay in dhaawacyadaasi ay yihiin kuwa fudud.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Dhuusmareeb ayaa soo gaaray goobta waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano kala duwan.

Amaaanka magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad loo adkeynayay, waxaana qaraxaani uu ku soo aadaya xilli heegan buuxa la galshay ciidamada ku sugan magaladaasi.

Goobjoog News