U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo habeenkii xalay aha aka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana  qaraxaasi uu geystay khasaare kala duwan.

Gaari nooca dadweynaha ah oo loo yaqaano Homey ayaa la sheegay inuu haleelay qaraxan, waxaana gaariga saarnaa shacab u socday degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo shacab ah ayaa qaraxaasi ku dhintey, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida Goobjoog News u sheegay mid kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.

“Walaalow qaraxan waxa uu ahaa mid xooggan, waxaana uu haleelay gaari PL ah, waxaana dhintey Labo qof, dhaawacana Shan wuu gaarayaa” ayuu yiri goob joogaha.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan dad lagu soo qaban.

Goobjoog News