U bood dhigaalka

Faah faahin: Qarax Ka Dhacay Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan uu ka dhacay wadada u dhaxeysa Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer, waxayna miinadan ahayd mid dhulka lagu aasay.

Gaari yar oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, islamarkaana halkaasi marayey ayaa la xaqiijiyey in qaraxan lala eegtay.

Hal qof oo shacab ah, kana dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay ayaa goobta ku dhintey, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, sidey inoo xaqiijiyeen goob joogayaasha.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, kuwaasi oo baaritaanno sameeyay, mana jirto faah faahin intaan ka dheer oo qaraxan laga bixiyey.

Magaalada Muqdisho, waxaa maalmahan dambe kusoo banaya qaraxyada Miino oo sidan oo kale ah, xilli ammaanka magaalada uu kasoo hagaagayo sidii hore.

Goobjoog News