U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Boosaaso, qaraxan ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari uu la socday wasiir horey uga tirsanaa Puntland.

Shire Xaaji Faarax, wasiirkii hore ee qorsheynta ee maamulkii C/weli Gaas sidoo kalena soo noqday wasiirka maaliyadda Puntland ayaa la xaqiijiyey in gaarigiisa lala eegtay qaraxan.

Waxaa goobta ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada mas’uulkan, iyadoo aanay jirin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay.

Laamaha ammaanka oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay ayaa weli waxay wadaan baaritaanno, mana jirto faah faahin kale oo ay ka bixiyeen qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News