U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qaraxyo Xalay Lagu Weeraray Hoyga Taliyaha Nabad Sugidda Baydhabo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo Bam gacmeed oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray hoyga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka deggan yahay taliyaha ciidamada Nabad sugidda magaaladaasi Maxamd Isaaq Aflow.

Hal askari oo ku sugnaa hoyga taliyaha ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo halkaasi ay ka baxsadeen dadkii ka dambeeyay qaraxan.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo waxay sheegeen iney wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey qaraxyadaasi.

Amniga magaalada Baydhabo ayaa maalmahan dambe ahaa mid kasoo reynayey, waxaana jirey howlgallo habeen iyo maalin ay wadeen ciidamada ammaanka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxydan ka dhacay Baydhabo, hase ahaatee Al-shabaab marar badan sidan oo kale qaraxyo uga fuliyey magaaladaasi.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada