U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qof Ku Dhintey Qarax Ka Dhacay Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax habeenkii xalay ahaa ka dhex dhacay guri ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga xafadda Buurka-diikow ee degmadaasi.

Qof deggan halkaasi ayaa la sheegay in qaraxan uu ku diyaarinayey hoygiisa, hase ahaatee ay si lama filaan ah ugu qarxeen wixii uu diyaarinayey, iyadoo halkaasi ku dhintay qarax diyaariyaha, waxaana ku dhaawacmay wiilkiisa iyo xaaskiisa oo hoyga ku sugnaa.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in baritaan ay sameeyeen ku ogadeen in ninkaan uu shalay ka yimid degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose, xiriirna la lahaa ururka Al-shabaab.

Shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan ayaa aad u hadalhaya dhacdadan, maadaama degmadaasi ay kamid tahay degmooyinka ugu ammaanka badan ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News