U bood dhigaalka

Faah faahin: Qof Shacab Ah Oo Lagu Diley Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa wiil dhallinyaro ah waxaa ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in wiilkan uu ka mid ahaa dhallinyarada aadka looga yaqaan degmada, islamarkaana ku shaqeysan jiray mooto Bajaaj.

Dilkan ayaa ka dhacay xalay meel ku dhow Buundada yar ee degmada Afgooye, iyadoo halkaasi ay ka baxsadeen raggii dilka ka dambeeyay.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka wiilkan, iyadoo ciidamada ammaankana ay sameeyeen howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Dilalka qorsheysan ayaa kusoo batay waayadan xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News