U bood dhigaalka

Faah faahin:- Rag Hubeysan Oo Degmada Hodon Ku Dilay Seddax Qof Oo Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay Seddax qof oo carruur ay ku jiraan ku dileen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in raggan hubeysan ay baarasho kula dhaqaaqeen gaari nooca dadweynaha ah oo halkaasi marayey, hase ahaatee rasaas ay fureen ay ku dhinteen Seddax qof oo kala ah Gabar 14 Sano jir ah, wiil 9-sano jir ah, iyo sidoo kale wiil 17 sano jir ah.

Falkaan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Al-baraka ee degmada Hodon, waxaana la sheegay in marar badan ay sidaan oo kale halkaasi dhac uga geysteen rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka.

Ehelada qaar oo la hadlay Idaacada Goobjoog ayaa sheegay in ragaasi dablayda ah ee dilka geystay ay yihiin askar ka tirsan ciidamada dowlada oo ilaalo u ah mid kamid ah saraakiisha dowladda.

“Waxaan ahay adeerka wiilka iyo gabadha yar ee dhintay, ciidankaan dhibka noo geystay waa kuwa warshadda caanaha ku sugan iyaga ayaa dhac habeen walbo noogu imaan jiray, dadka ka qaadanayey Taleefannada gacanta, amni meesha kuma haysanno, dowladda ayaa mas’uul naga ah wixii dhib naloo geystayna iyada lee noo geysatay” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid ka mid ah ehlada carruuta geeriyootay.

Maamulka degmada Hodon ee gobolka Banaadir weli kama aanu hadal falkan ka dhacay degmadaasi.

Goobjoog News