U bood dhigaalka

Faah Faahin: Rag Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Wasaarada Gaashaandhiga Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar habeenkii xalay ahaa ay rag hubeysan ku qaadeen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Mar qura ayaa la maqlay jug culus oo u muuqatay qoryaha garbaha laga tuuro, waxaana sidoo kale xigtay rasaas xooggan oo halkaasi laga maqlay.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka ee suga amniga xarunta wasaaradda ay iska caabiyeen raggii hubeysnaa ee halkaasi weerarka kusoo qaaday.

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintey weerarkaan, iyadoo dhaawac uu jiro, balse lama oga inta dhaawaca uu la egyahay.

Sarkaal ka tirsan xoogga dalka ayaa inoo xaqiijiyey in iska caabin kadib ay halkaasi ka carareen raggii weerarka ka dambeeyay, islamarkaana ciidanka ay ka daba baxeen balse ma jirto cid ay gacanta kusoo dhigeen.

Weli weerarkaan kama aanay hadal wasaaradda difaaca, balse waxaa la filayaaa in saxaafadda faah faahino dheeraad ah laga siiyo.

Goobjoog News