U bood dhigaalka

Faah Faahin: Rag Hubeysan Oo Weerar Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Geystay Degmada Caabudwaaq, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan ayaa fiidkii xalay waxay weerar ku qaadeen goob lagu shaaho oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirtay.

Rag hubeysan oo watay gaari yar ayaa la sheegay in rasaas ay oodda kaga qaadeen dadkaan oo fadhiyey halkaasi, waxaana goobta ku sugnaa rag nabadoono ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay Labo ka mid ah Nabadoonada degmada Caabduwaaq, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay Lix kale oo Labo dumar ay yihiin sida ay dad goob joogayaal ah inoo sheegeen.

Raggii weerarka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegayaa in arrintan ay la xiriirto aano qabiil.

Xaaladda degmada Caabudwaaq saakay waa mid deggan, hase ahaatee waxaa guud ahaan degmadaasi laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyo beeleed halkaasi ku sugan.

Warkaan wixii kusoo kjordha kala soco wararakeena kale Insha Allah.

Goobjoog News