U bood dhigaalka

Faah faahin: Sababaha uu Muqdisho u yimid Ban Ki-Moon (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay taageero ugu ballanqaadaan kalaguurka Soomaaliya iyo dadaalka loogu jiro xoojinta amniga iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika dhammaantiisa.

Booqashada wadajirka ah ee heerka sare ayaa imanaysa waqti muhim u ah Soomaaliya oo hadda guulo la taaban karo ee xagga amniga ah ka gaaraya dagaalka ka dhanka ah fallaagada Al-Shabaab, horeyna u sii wada dibuhabayn siyaasadeed oo lagama maarmaan ah oo ujeeddadeedu tahay in doorashooyin qaran la qabto sannadka 2016. Wafdigu waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali, iyo wakiillo sarsare ee ka socda Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub.

“Qaramada Midoobay, Bangiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, anigana waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida inaysan keligood ahayn iyo inaan laballaabi doono dadaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaaray sannadihii dhowaa,” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Soomaaliya waxaa horyaalla caqabado xagga siyaasadda, amniga, horumarka iyo gargaarka baniaadanimo oo ka dhashay labaatankii sanno ee uu dalku colaadda ku jiray, laakiin waxaa dhiiragelin leh guulaha dhowaan la gaaray, oo ka midyihiin sameynta maamul-goboleedyada iyadoo si dhow loola kaashanayo Dowladda Federaalka. In la dhiso Soomaaliya oo xasilloon waxay xaqiijin doontaa amni ballaaran iyo dhaqaale barwaaqo ah oo ka hirgala Geeska Afrika gebi ahaantiisaba.

Waxaa loo bahanyahay in qaybaha bulshada Soomaaliya ee ugu nuqul ee aan xuquuqdood la siinin, oo ay ka midyihiin barakacayaasha, kuwa dib u soo noqday, haween iyo dhallinyarada, laga qaybgeliyo hanaanka nabadaynta iyo dowlada-dhisidda. Waxaa muhim ah in la helo midnimo siyaasadeed oo joogta ah si ay Soomaaliya u gaarto yoolka ay hiigsanayso oo ah isbedel siyaasadeed.

“Kalaguurka Soomaaliya waa fursad aan lahayn wax loo dhigo oo ay dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrikaba sare ugu qaadaan hab nololeedka dadka iyagoo ka qaybgelinaya hawlaha wax soo saarka dhaqaalaha,” ayuu yiri Kim. “Xasillooni siyaasadeed iyo amni dadweynaha waxay shuruudo muhim ah u yihiin yareynta saboolnimada xad dhaafka ah iyo kordhinta barwaaqo ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed.”

Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, iyagoo la kaashanaya saaxiibada kale ee hawsha la wadaaga, waxaa ka go’an inay dardargeliyaan barnaamijyada ay ka wadaan dalka gudihiisa si ay u taageeraan ujeeddooyinka siyaasadeed, amni iyo kuwa horumarineed ee Soomaaliya, sida ku qeexan Heshiiska “Hiigsiga Cusub” ee lagu heshiiyay sannadkii hore. Geeddi-socodka nabadaynta iyo sare u qaadidda kaalmada caalamiga waxay u baahnaan doonaan dadaal loo wada dhanyahay oo hufan oo ay bixiyaan dadkoo idil.

Dowladda iyo saaxiibadeeda waxay sidoo kale u baahanyihiin inay xal waara u helaan abaaraha iyo macluusha soo noqnoqonaya, kuwaasoo dadka badidooda ka dhigay ku sabool ah oo dhibaatada u nugul. Waa in mudnaanta kowaad la siiyaa in dadka saboolka ah iyo kuwa aan helin xuquuqdooda ay helaan fursadaha dhaqaalaha. Isagoo ka hadlaya xaaladdan, Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ugu baaqay saaxiibada caalamka ee hawsha la wadaaga inay gacan ka geystaan sidii loo buuxin lahaa lacagta ka dhiman kaalmada lagu bixiyo gargaarka baniaadanimo ee Soomaaliya. In ka badan 3 milyan oo dad ah ee dalka jooga ayaa kaalmo u baahan, iyadoo la bixiyay kelya boqolkiiba 34 (34%) oo ka mid ah baaqii gargaarka baniaadanimo ee la jeediyay sannadka 2014.

Wefdiga heerka sare wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si looga dodo kalaguurka dalka iyo muhimadda weyn ee uu u leeyahay amniga dadka iyo mustaqbalka dhaqaalaha gobolka. Waxay kaloo la kulmi doonaan Ra’iisal Wasaarah, Cabdiweli Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Usmaan Jawaari, iyo mas’uuliyiin sarsare ee ka tirsan Dowladda iyo wakiillo ka socda bushada rayidka Soomaaliya.

Socdaalkan waa kii labaad ee uu Xoghayaha Guud ku tago Soomaaliya – wuxuu horey u booqday dalka sannadkii 2011 – waana booqashadii ugu horeysay ee Madaxweynaha Bangiga Adduunka uu dalka ku tago. Bangiga ayaa kordhiyay hawlaha uu ka wado iyo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya sannadahan dambe, taasoo muujinaysa in dalka uu ka socdo isbedel ka dib colaad dheer oo qaadatay hal jiil.