U bood dhigaalka

Faah faahin:- Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku aaday Itoobiya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofau Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isaga oo aaday Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa magaalada Adis Ababa kaga qayb gali doona shirka Madaxda Afrika ay uga hadli doonaan qalalasaha ka taagan wadanka Koonfurta Sudan.

Waxaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kasii sagoontiyay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Inta Madaxwaynaha uu ku sugan yahay Magaalada Adis Ababa waxa uu kulamo la qaadan doona Madax ka tirsan wadamada Afrika ee ka qayb galaya shirkan

Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya , Mahad Maxamed Salaad ayaa warbaahinta gudaha waxa uu faah faahin kooban ka siiyay safarka madaxweynaha, isaga oo sheegay in kulankaasi uu kasoo qeybgali doono.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News