U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Safarka Ra’iisul Wasaare Cumar Ee Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Xubnaha labada Golle ee Dawladda ayaa maanta gaaray magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas u tagay inuu wada-hadal la yeesho qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan si loo guda galo dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxana inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Beledwayne si looga gudbo tabashada ay qabaan dadka deegaanku.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u mahadceliyey shacabka ku dhaqanka Gobolka Hiiraan sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen Degmada Beledwayne, wuxuna sheegay inta uu joogo gobol in uu la kulmi doono dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka iyo cid walba oo jecel nabadda iyo horumarka deegaanka.

Magaalada Baladweyne waxaa kusii sugnaa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxaana uu waday dadaallo lagu qancinayo Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Waxgaradkan waxay kasoo horjeedaan hannaanka loo maamulayo shirka maamul u sameynta Gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ee degmada Jowhar.

005 004 003 002 001

—-DHAMMAAD—–

Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka