U bood dhigaalka

Faah Faahin: Shacab Ku Dhaawacmay Madaafiic Al-shabaab Ku Tuureen Baardheere

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo maanta Al-shabaab ku tuureen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ugu yaraan 8 (Sideed) qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan oo ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Baardheere.

Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in madaafiicdaan lala eeganayey fariisin ay ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Dadkii ku dhaawacmay madaafiicdan waxaa loola cararay xarumo caafimaad oo ku yaalla degmadaasi, waxaana la sheegayaa in Saddex kamid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda aad u liidato.

Maamulka degmada Baardheere weli wax war ah kama aanu soo saarin madaafiicdan lagu duqeeyay degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News