U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Shacabka Kismaayo Oo Dhigay Dibadbax Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose waxaa maanta ka dhacay dibadbax ballaaran oo ay dhigayeen Boqolaal shacab ah oo ku dhaqan magaaladaasi.

Dadka ayaa watay boorar ay kusoo qoreen hal ku dhigo ka dhan ah dowladda Federaalka, kuna muujinayeen sida ay ku diidan yihiin go’aankii dhawaan kasoo baxay baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale shacabkaan ayaa taageerayay go’aanka maamulka Jubbaland uu xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka ah, waxaana ay sheegeen in marnaba aysan raali ka noqon doonin go’aan walba oo u muuqda in lagu curyaaminayo maamulka Jubbaland waa sida ay hadalka u dheegeene.

Dadka dhigayay dibadbaxa ayaa ugu dambeyn isugu tagay meel fagaaro ah oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Suldaan Luga Dheere oo shacabkaasi la hadlay ayaa ugu horeyn ku amaanay sida ay isugu soo baxeen iyo dareenkooda qaabka ay u muujiyeen.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka in marnaba Jubbaland aysan aqbali doonin wax walba oo ay u arkaan in maamulkooda lagu hagardaaminayo.

Mar uu soo hadal qaaday xiriirka dowladda Federaalka ay u jareen ka maamul ahaan ayuu sheegay in uu ahaa mid ay kasoo fikireen, ka dib markii uu tilmaamay inay arkeen in dowladda Federaalka ay wado qorshe lagu burburinayo maamulkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka daawo sawirada:-

Kismaayo7 Kismaayo6 Kismaayo 5 Kismaayo4 Kismaayo3 Kismaayo2 Kismaayo1

Goobjoog News