U bood dhigaalka

Faah Faahin: Sheekh Caan Ah Oo Lagu Diley B/weyne

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen mid ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaano magaaladaasi.

Sheekha la diley ayaa lagu magacaabayey Cabdi Iidow Warsame, waxaana la sheegay in raggii diley ay goobta isaga baxsadeen.

Xilliga la dileyey Sheekha ayaa kasoo baxay masjid ku yaalla xaafadda Xaawo Taako ee magaalada B/weyne, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Wararka qaar ee aynu ka heleyno B/weyne waxay sheegayaan in Sheekh Cabdi uu horey usoo noqday guddoomiyaha degmada Buulo-burde ee Hiiraan.

Maamulka magaalada B/weyne iyo saraakiisha ammaanka ee magaaladaasi weli ax faah faahin ah kama aanay bixin dilkan ka dhacay magaaladaasi.

Goobjoog News