U bood dhigaalka

Faah Faahin: Shil Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Boosaaso Iyo Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Taliska qeybta Booliiska ee gobolka Bari ayaa ka warbixiyey shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Gaariga shilka galay ayaa ka ambabaxay magaalada Boosaaso, wuxuuna kusii jeeday magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku dhacay god weyn oo roobku qoday.

Gaashaanle Sare, Xuseen Cali Maxamuud oo ah taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dhimashada Hal qof iyo sidoo kale dhaawaca 4 kale.

Waxa uu Taliyaha sheegay in hakad la geliyey isku socodkii gaadiidka ee wadadan, illaa ammar dambena aan halkaasi la mari karin.

“Wixii dhacay waan ka xunnahay, gaariga wuxuu ku dhacay bohol weyn, wadadu waa ay burbursan tahay, sidaasi darteed waxaan leenahay gaadiidka haka joogaan inta ay wax iska bedalayaan, annaga iyo maamulka gobolkana waan iska aragnay, qorshe ayaana socda” ayuu yiri Taliyaha.

Roobkii ka da’ay deegaannada Puntland ayaa sababay burburka waddooyin badan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka.

Goobjoog News