U bood dhigaalka

Faah Faahin: Taliyahii Ciidanka Booliiska Qeybta 21-aad Oo Lagu Dilay Degmada Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud loogu geystay taliyahii 21-aad ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Faarax Maxamuud Warsame.

Xildhibaan Cabdi Sugule Guuleed oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay Goobjoog News, in dilkaan uu geystay nin hubeysan oo uu saldhigga ku sugnaa.

Waxa uu tilmaamay in ninkaasi sidoo kale uu dilay nin kale oo taliyaha saldhigga la joogay, kaasi oo damacsanaa inuu ka celiyo taliyaha.

Dilka ka dib ayaa goobta waxaa ka baxsaday ninkii hubeysnaa ee dilay Taliyaha iyo shaqsiga kale ee saldhigga ku sugnaa.

“Ninkaan waxa uu ka mid ahaa dableyda iska hubeysan ee ku sugan degmada, waxaa maalmahaan dambe uu meesha ku joogay damiin, laakiinse lama oga sababta uu taliyaha u dilay, waxaan idiin xaqiijinayaa in Faarax uu ahaa nin u adeegga shacabka Soomaaliyeed, walibana aan dhib badneyn” ayuu yiri Xildhibaanka.

Dil midkaan la mid ah ayaa shalay ka dhacay garoonka magaalada Boosaaso, ka dib markii askari ka tirsan ciidamada Ilaalada Garoonkaasi uu dilay Taliyahiisa.

Goobjoog News