U bood dhigaalka

Faah Faahin: Taliye Lagu Diley Magaalada Gaalkacyo Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil magaalada Gaalkacyo loogugeystay taliyahii ciidamada ammaanka garoonka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Taliyaha la diley ayaa lagu magacaabayey Korneel C/salaam Sanyare, waxaana sidoo kale lala diley askar kale oo ka tirsan ciidanka ilaalada Garoonka Gaalkacyo.

Dilkan waxaa ka dambeeyay sida la sheegay askari kale oo isna kamid ah ciidamada Garoonka Gaalkacyo, iyadoo rasaas uu ku furay taliyaha dhintay iyo askartii la socotey, waxaana falkan uu ka dhacay gudaha Garoonkaasi.

Ma jirto illaa hadda sabab la sheegay in dilkaan uu ka dambeeyay, hase ahaatee saraakiisha ammaanka Puntland ee Gaalkacyo ayaa sheegay iney wadaan baaritaan arrintan ku saabsan.

Goobjoog News