U bood dhigaalka

Faah faahin:- Wadfi Ka Socda Dowladda oo gaaray Degmada Dhuusa Mareeb Ee Gobalka Gal-gaduud (Sawiro)

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????Degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud waxaa shalay gaaray wafdi Balaaran oo uu hogaaminaayay oo ka socday dowladda Soomaaliya, waxaana hogaaminayay sii haya xilka wasiir ku xigeenka Arimaha dibadda xukuumada Soomaaliya Mahad Salaad.

Wafdigaan ayaa xubnha ugu cad cad waxaa ka mid ahaa Mahad Salaad oo ah sii hayaha xilka Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda. Gudoomiyaha gobalka Gal-gaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale  iyaga oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.

Habeenkii xalay ahaa waxa ay ku hoydeen degmadaasi, waxaana sii hayaha xilka wasiir ku xigeenka Arimaha dibadda uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah Waxgaradka degmadaasi, Siyaasiin iyo maamulka degmada.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in saxaafadda ay ka siiyaan faah faahin guud socdaalka wasiir ku xigeenka iyo xubnaha kale, hase ahaatee waxaa socday maalmahaan dambe dadaal la doonayo in maamul loogu dhiso gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan Hoose ka arag sawirada soo dhaweynta.

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

???????????????????????????????

Goobjoog News