U bood dhigaalka

Faah Faahin: Weerar Ay Ku Dhinteen Askar Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar Bam oo xalay lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Rag dhallinyaro ah ayaa la sheegay in Bambkan ay ku tureen askartan oo ku sugnaa bartamaha magaaladaasi, iyaga oo intaasi kadib halkaasi isaga baxsaday.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintey Labo ka mid ah askarta Puntland, waxaana ku dhaawacmay Saddex kale.

Goob joogayaal ku sugan Boosaaso ayaa soo sheegaya in ciidamada Puntland ay saakay wadaan howlgallo ballaaran.

Boosaaso waxaa kusoo badanayey muddooyinkaan dambe falalka amni darri.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News