U bood dhigaalka

Faah Faahin: Weerar Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, kaasi oo ka dhacay gobolka Mudug.

Maleeshiyaad ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen gaari dhuxul siday, kaasi oo marayey deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120-km u jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Hal qof oo ka mid ahaa dadkii gaariga saarnaa ayaa dhintay Labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Dhagtuur, halkaasi oo lagu daweynayo.

Goobjoog News