U bood dhigaalka

Faah Faahin: Weerar Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday hoyga ay magaalada Baydhabo ka deggan tahay Muraayo oo ah guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay.

Rag dhallinyaro ah ayaa la sheegay in Bam gacmeed ku weerareen gurigaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobta ku dhaawacmay Labo qof, iyadoo dadka dhaawaca ah loola cararay Isbitaalka magaalada Baydhabo.

Muraayo ayaa badqabta, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada Booliiska K/galbeed.

Howlgal ay ciidamada sameeyeen ayeey kusoo qabteen dad lagu tuhunsan yahay falkaasi, waxaana ku socda baaritaanno.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News