U bood dhigaalka

Faah Faahin: Weerar Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Rag hubeysan oo illaa iyo hadda aan la garan waxa ay yihiin ayaa bartamaha Boosaaso ku rasaaseeyey gaari yar oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland.

Waxaa halkaasi ku dhintay Hal askari, iyadoo Labo kalena dhaawac uu kasoo gaaray, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Raggii weerarkaasi ka dambeeyey ayaa la xaqiijiyey in ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo hay’adaha ammaanka ee Boosaaso aanay weli wax faah faahin ah bixin.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa saakay ku kalahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso oo ay ka sameynayaan howlgal ballaaran oo lagu raadinayo raggii weerarkaasi ka dambeeyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News