U bood dhigaalka

Faah Faahin: Weerar Khasaare Geystay Oo Maanta Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah Faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta geystay, kaasi oo maanta ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo marayey meel ku dhow isgoyska Bakaaraha, iyadoo halkaasi rasaas ay ka dhacday.

Ragga hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa weeraray Labo askari oo mid ka mid yahay ciidanka loo yaqaano Minashiimbiyo waxaana dhintay mid ka mid ah askartii dowladda ee la weeraray.

Saraakiil u hadashay dowladda Federaalka ayaa waxay iyaguna xaqiijiyeen in halkaasi uu ku dhintay mid ka mid ah raggii weerarka ku qaaday askartan, waxaana wadarta dhimashadu ay noqoneysaa Labo qof oo mid askari yahay, midka kalena yahay raggii wax weeraray.

Goobta waxaa ka baxsaday raggii kal ee weerarka soo qaaday, iyadoo halka is rasaaseynta ka dhacday ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News