U bood dhigaalka

Faah Faahin: Weerar Xalay Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Bam oo xalay lagu qaaday saldhigga Bartamaha ee magaalada Gaalkacyo, dhanka Puntland.

Saddex qof ayaa weerarkaasi ku dhaawacmay, Labo ka mid ah waxa ahaayeen askar Booliis ah oo ku sugnaa saldhigga, halka qofka kalena ahayd haweeney shacab ah oo halkaasi ka dhoweyd.

Raggii Bamooyinka ku tuuray saldhigga ayaa goobta isaga baxsaday, waxayna ciidanku sameeyeen howlgal dad lagu soo qabqabtay, balse aan weli la faah faahin.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in qaraxyadan aysan hadda ka dambeyn Al-shabaab iyo daacish, balse yihiin kuwo siyaasadeysan oo lagu qalqalgelinayo ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkii dambe soo hagaagayey ayaa hadda waxaa soo kordhay weeraro ka dhacaya magaaladaasi.

Goobjoog News