U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Weerarkii Xalay Ee SYL Iyo Khasaaraha Ka Dhashay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Fiidnimadii xalay ayaa weerar isugu jiray qaraxyo iyo rasaas toos ah  waxaa lagu qaaday sida wararku ay sheegayaan hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo kaabiga ku haya taallada SYL.

Ugu horeen ayaa la maqlay mar qura qarax aad u xooggan, kaasi oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa misane ah gaari aad u weyn, kaasi oo la sheegay inuu ku qarxay meel bannaanka ka ah hotelka una dhaxeysa hotelkaasi iyo sidoo kale beerta nabadda ee magaalada Muqdisho.

Gaarigaan is qarxiyay waxaa hor istaagay askar ka tirsaneyd NISA isaga oo halkaasi isku qarxiyay kadib markii uu halkaasi mari waayey.

Waxaa intaasi xigtay sida la sheegay rag hubeysan oo damacsanaa inay gudaha u galaan hotel SYL balse iska caabin kala kulmay ciidanka amniga ah ee halkaasi ku sugnaa.

Intii ay rasaasta socotay ayaa hadane meel aan sidaasi uga fogeyn SYL waxaa ka dhacay qarax Labaad oo oo isna aad u xoogganaa.

Dad gaaraya 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxyadaasi dhacay, waxaana dadka waxyeellada soo gaartay u badan haween qaad ku iibinayay wadada laamiga ah, waxaana sidoo kale dadka badi ay waxyeellada kasoo gaartay gidaarro (darbiyo) kusoo dumay.

Sidoo kale isbitaallada Muqdisho ayaa la geeyay in ka badan 25 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi iyaga oo tilmaamay in bartilmaameedkoodu ahaa Hotelka SYL oo dad badan deggan yihiin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la toogtay Afar dabley hubeysan ah oo doonayey inay gudaha u galaan hotelka SYL balse aanay u suurta gelin.

Xaaladda guud ee halkii qaraxyadu iyo weerarka tooska ahaa ka dhacay saaka waa mid deggan, waxaase la arkayaa dhismayaal halkaasi ku yaalla oo intooda badan burbur xooggan soo gaaray.

004 003 002 001

Goobjoog News