U bood dhigaalka

Faah faahin: Xildhibaan Iyo Wasiir Ka Kala Tirsan Hirshabelle Iyo K/galbeed Oo Ku Dhintey Qarax Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamullada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in shalay gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa golayaasha fulinta iyo sharci dejinta ee maamulladaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa tacsi ka diray geeridii ku timid Xildhibaan C/qaadir C/raxmaan Cali oo loo yaqaanay Baraf sidoo kale ahaa wasiiru dowlihii amniga Koonfur Galbeed, kaasi oo ku dhintey qarax miino oo wadada loo dhigay waxaana la geeriyooday Saddex ilaaladiisa ka mid ahaa.

Sidoo kale qaraxaasi waxaa ku dhintay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle.

Dhanka kale, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid xildhibaankan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkiisa.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ay ku dhinteen Xildhibaanka iyo wasiirka ka kala tirsanaa maamullada Hirshabelle iyo K/galbeed.

Goobjoog News