U bood dhigaalka

Faah Faahin: Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Jubbaland Oo Lagu Diley Kismaayo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose loogu geystay mudane ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa xaafadda calanley ee magaalada Kismaayo ku toogtay xildhibaan C/xakiin Jaamac Cilmi (Tima-Faras) xilli uu fadhiyey meel aan hoygiisa ka fogeyn.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa la xaqiijiyey in ay goobta isaga baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay iney jiraan dad lagu tuhmayo dilkaan oo lasoo qabtay iyo kuwo kale oo lagu raadjoogo, wixii faah faahin ahna dib ay ka bixin doonaan.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkaan dambe ahaa mid aad la isugu haleyn karo.

Goobjoog News