U bood dhigaalka

Faah Faahin: Xildhibaan Lagu Dhaawacay Magaalada Jowhar, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu rasaaseeyay gaari yar oo ay la socdeen Labo xildhibaan oo ka tirsan barlamaanka maamulka Hirshabelle.

Xildhibaannada garigan saarnaa ayaa lagu kala magacaabayey Faarax Maxamed Cismaan Gacmey oo dhaawac fudud uu soo garay iyo sidoo kale xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow.

Lama oga sababta ka dambeysay in askarigan uu rasaas ku furo gaariga ay la socdeen xildhibaannadan, hase ahaatee ciidamada ammanka ayaa gacanta ku dhigay askarigii falkaasi ka dambeeyay.

Waa falkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah, kaasi oo ka dhaca magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News