U bood dhigaalka

Faah Faahin: Xisaabiyahii Shirkadda Dp World Ee Berbera Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in uu is casilay Iimaan Yuusuf Iimaan oo ahaa Xisaabiyahii shirakadda DP World ee dekadda Berbera.

Iimaan ayaa warqaddii uu isku casilayey u gudbiyey maamulka sare ee dekadda u qaabilsan DP World, waxaana laga aqblay is casilaaddiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta Iimaan isku casilay tahay khilaaf muddooyinkaan dambe kala dhaxeeyey maamulka sare dekadda DP World ee dekadda Berbera.

Hadda xilkaan waxaa si KMG ah loogu dhiibay shaqsi isaga ku xigeen u ahaa kana soo jeeda dalka Senegal.

Goobjoog News