U bood dhigaalka

Faahfaahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Kaxda Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dagaal kooban oo u dhaxeeyay ciiamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahanno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa nabad-sugidda ayaa la sheegay in abaare 11:00 PM ay weerar ku qaadeen qabuuraha Kaxda ee loo yaqaan Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen rag kamid ah Al-shabaab.

Lama sheegin khasaaraha halkaasi ka dhashay, balse dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in halkaasi dagaal uu ka dhacay.

Dagaalkan ayaa daba ayaa dhashay kadib markii rag kamid ah Al-shabaab ay shalay degmadaasi ku dileen askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir weli ma aanu faahfaahin howlgalkan ay xalay sameeyeen ciidamada dowladda.

Goobjoog News