U bood dhigaalka

Faahfaahin: Dagaal Kooxda Macawisleey Iyo Ciidamo Itoobiyaan Ah Ku Dhexmaray Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka aan maanta ka helayno gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegan ka tirsan goblkaasi uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeyay ciidamo Itoobiyaan ah iyo meeleeshiyo ka tirsan kooxda Macawisleey.

Dagaalkan ayaa waxa uu si gaara uga dhacay tuulo la yiraahdo Afqurun oo qiyaastii 48-km u jirta degmada Farlibaax, waxaa uuna dagaalku yimid ka dib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid gobalka Bakool ay gudaha u soo galeen fariisin ay ciidanka Macawisleyda ku lahaayeen halkaasi.

Dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kooxdan ayaa qaatay saacado waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Taliyaha kooxda macawisleey Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Afqurun ay ku dileen askar Itoobiyaan ah oo uu tiradooda ku sheegay 20 askari.

Sidoo kale taliyahan ayaa tilmaamay in askarta ay la dagaalameen ay ahaayeen kuwa baxsad ah oo ka soo baxsaday gobalka Bakool, waxa uuna xusay in inta ay dileen maahine qaarka kale ay gacanta ku hayaan.

Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku aadan dagaalkan la sheegay in kooxda macawsileey iyo ciidan ka tirsan dalkooda uu ku dhexmaray gobolka Hiirran.

9-kii bishan ayey ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay sheegeen in gobalka Bakool ay ku dileen 2 asakri oo Itoobiyaan ah oo ay sheegeen in ay baxsad ahaayeen.

Goobjoog News