U bood dhigaalka

Faahfaahin Dheeraad oo Laga Helayo Dagaal Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobolka Sanaag ayaa sheegayo in saakay dagaal ka bilowday deegaan lagu magacaabo Waqadariya oo dhaca galbeedka degmada Laasqoray ee gobolkaasi.

Dagaalka oo bilowday saakay aroor hore ayaa dhex marayo laba beelood oo wada dega deegaanka, waxaana wararku intaas ku darayaan  in labada  beelood  ayaa waxaa  ay ka soo kala jeedaan  Puntland  iyo  Somaliland.

Waxaa jiro khasaare ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaalamayo dagaalamayo gobolka  waxaana adag in si dhab ah loo ogodaado xogta  maadaama isgaarsiinta deegaanka ay aad u liidato.

Wariyaha Goobjoog Celduruus ayaa waxaa uu soo sheegayaa in dagaalkii hadda uu iskiis u istaagay mana aysan jirin wax  ciidan ah oo kala dhex galay, waxaa la gubay goobo ku yaallo deegaanka oo Masaajid uu ka mid yahay dhaqanka gobolka Sanaag ayaa hadda raadinaya waanwaan.

Dagaalaka ka dhacaya degaanka Waqadariya ayaa dhowr jeer ku la soo laalaabanayey  deegaanka oo ah mid ku teedsan dhanka xeebta labada dhinac ayaan isku haayo gacan ku heynta deegaankaasi  mana jiro xal lagu dhameynayo dagaalka oo in badan khasaare sababay  soo kala gaaray labada dhinac ee isku hayo deegaanka.

Goob joog News