U bood dhigaalka

Faahfaahin: Dil Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Warar horudhac ah ayaa ka soo baxaya dil ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka galbeed ee Kismaayo ayaa dilkani loogu geystay nin shacab ah oo kamid ah dadka ka ganacsada dhuxusha.

Koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay dilka geysteen kuwaasoo dilka kaddib goobta isaga cararay.

Laamaha amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland oo aan si rasmiya ula hadlin warbaahinta ayaa laga soo xigsatay in dilkaasi ay ka dambeeyso Xarakada Alshabaab.

Halka dilka marxuumkani uu ka dhacay ayaa ku dhow degaanno dhowaan ay ka dhaceen dagaallo ku salleysan aanooyin qabiil kuwaasoo markii dambe ciidamada ammaanka Jubbaland ay ku guuleysteen in ay nabdeeyaan.

Illaa hadda maamulka Jubbaland ayaan wax war ah ka soo saarin dilka ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose sidoo kalena ah caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedkaas.

 Goobjoog News