U bood dhigaalka

Faahfaahin: Diyaarado Dagaal Oo Weerar Ka Geystay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degaanka Jeexdin oo ku yaalla dhanka bari ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Weerarka oo aroornimadii hore ee saaka dhacay ayaa waxaa geystay diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda Maraykanka islamarkaana ay wehliyeen ciidanka nabad sugidda Puntland.

Ilo lagu kalsoon yahay ooku sugan Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News in 13 Askari ay Galmudug kaga dhimatay weerarkaasi ay Maraykanka diyaaradihiisa qaadeen islamarkaana ay ku dhaawacmeen 9 kale.

Waxaa sidoo kale jirta illaa labo baabuur oo kuwa dagaalka ah oo iyana gubtay intii weerarka uu socday.

Ilaha lagu kalsoon yahay waxay xaqiijiyeen in Ciidamada Puntland kuwooda nabad sugidda ee loo soo gaabiyo magacooda PIS-ta ay hagayeen diyaaradaha Maraykanka ee duqeymaha ka fuliyey Jeexdin.

Maanta waxaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray saraakiisha ciidamada Galmudug kuwooda ku sugan Gaalkacyo, taliyaha daraawiishta gobolka Mudug, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo ciidamo aad u fara badan.

Dhaawacyadii ka dhashay weerarka ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka dhexe ee magaalada Gaalkacyo, waxaana saraakiisha ay ku eedeyeen weerarkaasi inay si qaldan u hageen saraakiil ka tirsan Puntland weliba si ula kac ah.

Xaaladda degaanka Jeexdin ee duleedka magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa maanta deggan oo hadda xasiloon.

Goobjoog News