U bood dhigaalka

Faahfaahin: Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Agagaarka Wanlaweyn

Sheeko:Dalka

Sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay weriye deegaanka ah, inta la ogyahay 4 qof ayaa ku dhimatay halka 7 kale ay ku dhaawacantay kadib miino lala eegtay gaari Cabdi Bile oo siday ciidamada dowladda federaalka ah.

Ciidamada oo ka tagay Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay ku sii jeedeen deegaanka Balli-doogle ee shabeellada hoose.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa uu ka dhacay deegaanka Cali Gaab oo 8 KM u jira magaalada Wanlaweyn.

Dhaawaca iyo meydadka waxaa loosoo qaaday magaalada Muqdisho.

Qaraxan waxaa uu dhacayaa 24 saac jadib, qarax kale oo ka dhacay gudaha Wanlaweyn,  Inta la xaqiijiyay 14 qof oo rayid ah iyo askari ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo galabtii arbacada ka dhacay suuq halkaasi ah.

Wixii soo kordha, kala soco, Goobjoog News