U bood dhigaalka

Faahfaahin: Khasaaraha Qaraxii Ismiidaaminta Ahaa Ee Wanlaweyn

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay 14 qof oo rayid ah iyo askari ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo galabtii arbacada ka dhacay agagaarka saldhig ay Mareykanka ku leeyihiin  Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee shabeellada hoose, Qaraxan oo ka dhacay goob suuq ah oo ku taalo gudaha Wanlaweyn, gaar ahaan suuqa qaadka lagu  iibiyo oo lagu magacaabo Muuri ayaa ahaa mid argagax ku beeray dadka deegaanka.

ilo wareedyo kale ayaa Goobjoog News u sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu Suuqa ahaa mashquul taas oo keentay in ay dad badan ku dhintaan.

Goobjoog News