U bood dhigaalka

faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ka dhacay nawaaxiga guriga hooyooyinka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha maamulka degmada Xamar weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo Saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in ilaa 5 ruux ay ku dhinteen qaraxan halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen isaga oo shaaciyay in bur bur soo gaaray xarunta maqaaxida (The Vilage) uu weheliyo khasaaraha.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada amniga ay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo ammaanka si looga feejignaado weerarada xarakada Al-Shabaab ay ka fulinayaan gudaha Muqdisho.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Madiina oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in mid ka mid ah dhaawacyadii la geeyay isbitaalka uu geeriyooday taas oo tirade dhimashada ka dhigeysa 6 qof.