U bood dhigaalka

Faahfaahin ku saabsan khasaaraha duqayntii shalay ka dhacday Gedo

Sheeko:War

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay duqayntii ay diyaaradaha dagaalka  Kenya  ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Taliyaha ciidamada  dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolkaasi Cabdullaahi Cismaan Isaaq oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in duqayntii lala eegtay xarun uu sheegay in  Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka KHadiijo Xaaji ay ku geeriyoodeen ilaa 17-ka mid ahaa rag ku shirayay halkaasi.

Cabdullaahi Cismaan Isaaq ayaa tilmaamay in dhinaca kale ciidamada dowladda Federaalka ay wadaan howl-galka dagaal ee ka soconaya gobolka Gedo, isagoo xusay in la bar tilmaansanayo degmada  Baar-dheere ee gobolkaas.

Al-shabaab ayaa xarun wayn ka dhigtay  degmada Baar-dheere, waxayna fariisimo ku leeyihiin  deegaano kale oo qayb ka ah Gedo.

Diyaaradaha dagaal ee  Kenya ayaa  duqaymo  cirka ah ka geysatay deegaanka Gadoon-dhabe ee hoos taga  Balad Xaawo..

Ciidamada cirka Kenya ayaa  mararka qaar duqaymo ka geysta meelo ka tirsan gobolada  Koonfureed ee dalka.