U bood dhigaalka

Faahfaahin ku saabsan khasaraaha qaraxii xalay ka dhacay maqaaxida Oromo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

[huge_it_slider id=”68″]

Waxaa soo baxaya faah-faahin dheeraad ah oo la xiriira khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay fiidkii ka dhacay maqaaxida Oromo Coffee oo ku taalla wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Hotelka Wehliye.
Sida ay in oo sheegeen howl wadeenada isbitaalada magaalada Muqdisho tirada dadkii xalay ku geeriyooday qaraxaasi ayaa gaaraysa 13 ruux oo shacab u badan kuwaas oo qaar ka mid ah xilli dambe u geeriyooday dhaawacyo culus oo soo gaaray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawaca uu gaaraayo 31 ruux isla markaana intooda badan la dhigay isbitaalka Madiina.
Wararka saaka laga helaayo Isbitaalada iyo  ilaha caafimaadka ayaa xaqiijinaya in saddex kamid ah dadkii dhaawacooda cuslaa xalay ay ku geeriyoodeen Isbitaalka Madiina.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya weli war faah-faahsan kama aysan soo saarin qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee khasaaraha badan dhaliyay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan.

Hoos ka dhageyso codka agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxmed Yuusuf oo faahfahin kooban ka bixinaya xaalada Bukaanada ku dhaawacmay qaraxaasi iyo gurmadka ay u fidiyeen: