U bood dhigaalka

Faahfaahin: Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Hodan gaar ahaan xaafadda Taleex ayaa sheegaya inuu ka dhacay qarax. Qaraxa oo ka dhashay baabuur lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa lagu soo warramayaa inuu sababay khasaare.

Saraakiisha gurmadka degdegga ee Amiin ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba qof kuwaasoo loo qaaday goob caafimaad.

Baabuurka qaraxa lagu xiray ayaa marayay wadada dalcadda taleex, waxaana markii qaraxa uu dhacay hakad galay isu socodka dadka iyo gaadiidka inkastoo markii dambe ay dib u soo laabteen.

Lama oga dadka saarnaa baabuurka qarxay illaa iyo haatan. Illaa iminka maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ee xukuumadda Soomaaliya wax war ah kama aynaan soo saarin qaraxani caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Horay Muqdisho waxaa kaga dhacay qaraxyo sidani oo kale baabuur loogu soo xiray kuwaasoo lagu khaarajiyay masuuliyiin, saraakiil, askar iyo dadyow kale.

Goobjoog News