U bood dhigaalka

Faahfaahin: Shaqaale ka Tirsan Save The Children oo Al-Shabaab ay Ku Afduubteen Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Saddex ka tirsan shaqaalaha howgallada caafimaad ee hay’adda Save The Children ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa al-Shabaab ku afduubteen gobolka Hiiraan, kadib markii ay jidka u galeen.

Maamulka Gobolka Hiraan ayaa sheegay in dhanka Degaanka Halgan loo kaxaystay Shaqaalaha  Hay’adda oo xilligaa ku gudo jiray howlgallo nafaqo lagu quudinayo caruur la ildarneyd nafaqo darro.

Gudoomiyaha degmada baladwayne Maxamed Axmed Food-Cade oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in al-Shabab ay shaqaalaha ka afduubeen deegaanka Xujuub oo 10 Km dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Baladweyne iyagoo u kaxaystay dhanka tuulada Halgan.

“Nimankaa shalay barqadii ayaa laga afduubay meesha la yiraahdo Xujuub loona kaxaystay dhinaca Halgan, waxaana afduubtay kooxda al-Shabaab illaa Saddex qof oo Soomaali ah ayaana hadda ognahay, dadaallo lagu sii daynayo oo meelo kale laga wadwadaa way jiraan, kolleyna waan arki doonnaa, shaqaaluhu waa kuwo ka howlgala gobolka oo dhinaca nafaqadarrada ka shaqeynayay, iyagoo shaqooda wata ayaa loo galay meeshaas”, ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Food.

Si kastaba, afduubka noocan oo kale ah ayaa imanaya xilli dalka ay ka jiraan abaaro, caruur farabadanina ay la ildaran yihiin nafaqo darro qaar kalena ay  udhinteen.

Goobjoog News