U bood dhigaalka

Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Qarax Bambaano Oo Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahinno kala duwa ay ka soo baxayaan qarax bambaano oo goor dhow lagu weeraray askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa agagaarka suuqa khudaarta Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi bambaano uu geystay khasaare kala duwan.

Sida uu goobjooge u xaqiijiyay Goobjoog News, qaraxaan bambaano ayaa waxaa lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka qaada canshuuraha ee loo yaqaan Minishiibiyo, waxaana halkaasi ku geeriyootay haweeneey halka nin kale oo adey ahaa uu ku dhaawacmay waxaana wararku ay intaasi ku sii darayaan in khasaare kale uu jiro.

Ciidankii ka tirsanaa kuwa qaada canshuuraha ee qaraxa bambaano lagu weeraray ayaa muddo kooban waxa ay ridayeen rasaas, waxaana sidoo kale goobta soo gaaray boolis ka tirsan Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan.

Ma jirto wali cid sheegatay weerarkan iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya oo ka hadashay, waxaana inta ugu badan qaraxyada kala duwan ee ka dhaca gudaha caasimadda dhibaatada u xooggan ay ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Goobjoog News