U bood dhigaalka

Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Boosaaso

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraada laga helayaa qarax sababay khasaare kala duwan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, iyada oo wararka qaraxaas la xiriirana ay yihiin kuwa isi soo taraya.

Qaraxa oo ahaa miino islamarkaana ka dhacay bosteejo gaadiidka laga raaco ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay lahaayeen booliska puntland, waxaana la sheegay in marka marka qaraxa lala bartilmaameedsanayay gaariga booliska ay ciidanku wadeen howlgallo ay ku xaqiijinayeen bandowgii dhowaan ay soo rogeen madaxda Puntland.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacantay ugu yaraan 10 qof oo sagaal ka mid ah ay yihiin dad shacab ah halka hal askari uu ku dhaawacmay qaraxaasi kaas oo ka mid ahaa ciidanka booliska maamulka Puntland.

Xalay ilaa saakay waxaa magaalada Boosaaso ka socoda baaritaano kala duwan oo ay wadaan ciidanka amaanka Puntland kuwaas oo ku raad jooga dadkii ka dambeeyay falkii qaraxa ahaa ee ka dhacay magaaladaasi.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi, waxaana maalmihii la soo dhaafay Boosaaso ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geysanayay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.

Goobjoog News