U bood dhigaalka

Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi xalay uu ka dhacay qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa bam gacmeed lagu weeraray bartamaha magaalada Kismaayo gaar ahaan goob ay dadku isugu yimaadaan ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof  halka ay ku dhaawacmeen 12 ruux oo dhamaantood shacab ahaa.

Dadka qaraxaas ku dhaawacmay ayaa haatan xaaladooda caafimaad aad looga deyrinayaa waxaa dhaawacyadaasi la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Ma jiraan cid loo soo qabtay weerarkaasi balse ciidamada amaanka Jubbaland ayaa howlgallo kala duwan sameeyay iyaga oo sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan natiijada ka soo baxda howlgalladooda.

Wali majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Goobjoog News