U bood dhigaalka

Faahfaahinno Ka Soo Baxaya Xildhibaan Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahinno dheeri ah laga helayaa dil xalay kooxo hubeysan ay u geysteen xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Puntland.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar Tiinle, waxaana kooxo hubeysan ay ku rasaaseeyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo taasi oo keentay in markii dambe uu ku geeriyooday isbitaal dhaawac ahaan loogu qaaday markii hore.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qof shacab ah uu ku dhaawacmay rasaastaasi, wallow warar kalane ay tilmaamayaan in shaqsiga dhaawacmay uu ahaa sakari ka tirsan ciidanka amaanka Puntland.

Saakay waxaa howlgallo lagu baadi goobayo raggii falkaasi geystay uu ka soconayaa qeybo ka mid ah magaaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada lagu dilay xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar oo ka tirsanaa golaha deegaanka magaalada gaalkacyo.

Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaana inta badan laamaha amaanka maamulkaasi ay sheegaan in ay si buuxda wax uga qabanayaan amni darrada ka jirta maagaalooyinkaasi oo ka mid ah ugu waa weyn ee Puntland.

Goobjoog News