U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Wade Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahino kala duwan ay ka soo baxayaan wade mooto Bajaaj oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Seybiyaano, waxaana dilka gesytay nin ku hubeysnaa bistoolad oo watay gaari nuuca raaxada ah, dilka ayaana yimid ka dib markii marxuumka geeriyooday iyo ninka hubeysnaa ay ku murmeen seedka wadada, xilli wadada mashquul badan uu waqtigaasi ka jiray.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada, waxaana ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan shaqsigii dilka geystay oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka geeriyooday uu markii hore dhaawacmay balse dhaawaca ka dib uu isla goobta ku geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ayaa siyaabooyin kala duwan waxaa loogu dilaa wadayaasha moota Bajaajka, wallina ma aysan helin cid ka hor tagta dilalka loo geysto.

Goobjoog News