U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo Kenyaan Ah

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraada ay ka soo baxayaan weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen meel u dhaw magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi Bari ee dalkaasi.

Weerarkan ayaa la tilmaamay in lagu qaaday saldhig ku yaalla deegaan lagu magacaabo Goorisa oo hoos yimaada magaalada Gaarisa, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidan ka tirsan kuwa Kenya oo la soo warinayo in weerarkaasi loogu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal ka soo baxay Al shabaab waxaa lagu sheegay in ay burburiyeen saldhiggii ay weerarka ku qaadeen islamarkaana ay gubeen gaari mileteri oo ay lahaayeen ciidanka dalka Kenya.

Al shabaab ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, kaasi oo soo gaaray ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga ay weerareen.

Ma jirto wali wax wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gobalka waqooyi Bari ee dalka Kenya oo ay kaga hadlayaan weerarkan ay Al shabaab sheegeen in ay ku burburiyeen saldhig ciidankooda ay ku lahaayeen deegaanka Goorisa oo hoos yimaada magaalada Gaarisa.

Goobjoog News