U bood dhigaalka

Faahfaahinta duqeymo diyaaradaha Kenya ay ka geysteen Gedo

Sheeko:War

0203

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay duqeymo diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Waxaa lagu soo waramayaa in shalay galinkii dambe duqeyntu ay ku bilaabatay deegaan u dhexeeya deegaanada Ceel-waaq iyo Ceel cadde ee gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sidoo kale sheegaya in xalay sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanka Faafax dhuun ee gobolka Gedo, halkaasi oo aan si dhab ah loo xaqiijin khasaarihii ka dhashay.

Guddoomiyaha deegaanka Daableey ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed deeroow ayaa Goobjoog FM u xaqiijiyay duqeynta qaar ka mid ah deegaanada gobolka Gedo ay u geysteen diyaaradaha dagaal ee dowladda Kenya.

Wararka Goobjoog news